|
Mogadishu, (insidesomalia.org) Waxaa maanta ka dacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho banaanbax lagu dalbanayay in Ciidamada Ethopia ay ka baxaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Bannaanbaxayaasha ayaa gubayay taayarro, iyadoo bannaanbaxa ugu ballaarani uu ka dhacay qaybo ka mid ah waddada 30-ka ee Magaalada Muqdisho, waxaana dadka isku soo baxay oo isugu jiray haween iyo rag ay wateen boorar ay ku sawirran yihiin Dad meydad ah iyo Taangiyada Ciidamada Ethopia oo gumaca dhiig leh, ridayo.
Waxayna ku dhawaaqayeen inaysan doonayn dilalka iyo dhibaatooyinka ay Dalka ka wadaan Ciidamada Ethiopia, waxayna wateen boorar ka sameysan Maryo cad-cad oo ay ku masawiran yihiin Taangiyo iyo Ciidammo dhibaatooyin geysanaya.
Isku soo baxa oo bilowday maanta duhorkii ayaa waxay dadkaan isku soo baxay ku dalbanayeen in Dalka ay isaga baxaan Ciidamada Ethopia ee taageera Dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna ku soo beegmay xilli ay Ciidamada ugu badan ee Dowladda Ethopia ay ku soo qulqulayaan Magaalada Muqdisho.
Gudoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Dagalada Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa Todobaadkii lasoo dhaafey mamnuucay Banaanbax aan lagu soo wargelin Maamulka Gobolka iyo Odeyaaal dhaqameedyada, isla markaasna aan fasax kaheysan Maxkamda Gobolka.
Lama oga waxa ay kayeeli doonaan Maxada gobolka Banaadir banan baxyadan iska soconaya kadib markii ay amar kasoo saareen in aan laqaban karin amar la,aan.
|